Home WARARKA Madaxweyne  hore Shariif  Sheekh Axmed oo la kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

Madaxweyne  hore Shariif  Sheekh Axmed oo la kulmay Safiirka Maraykanka ee Soomaaliya

45
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Shariif Sheekh Axmed ayaa kulamo ka wada magaalada Muqdisho, kuwaas oo looga hadlay xaaladda siyaasadeed ee gudaha dalka.

Madaxweyne  hore Shariif ayaa maanta kulan gaar ah l ayeeshay sii hayaha xilka Safaarada Mareykanka ee Soomaaliya Shane L. Dixon, wuxuuna kala hadlay arrimo ku aadan xaaladda dalka.

Qoraal kooban oo uu soo saaray madaxweynihii hore ee dalka ayaa waxa ku sheegay in danjiraha uu kala hadlay Arimaha amniga iyo khilaafka ka taagan wax ka bedelka  dastuurka Soomaaliya oo maalmihii la soo dhaafay ka doodayeen Xildhibaanada labada Aqal.

“Waxaan maanta Kulan ku wada qaadanay Safaarada Mareykanka ee Muqdisho sii hayaha xilka Safaarada Shane L. Dixon, waxaan ka wada hadalnay xaalada guud ee dalka, gaar ahaan arrimaha amniga & dib u eegista dastuurka Soomaaliya oo doodiiso kala aragti duwanaan iyo muran badan ka taagan yahay” ayuu kuri qoraalka uu soo saaray Shariif.

Sidoo kale waxa uu intaasi ku daray inay ka wada-hadleen sidii ay doodda socota qayb uga noqon lahaayeen xubnaha mucaaradka ee iyagu diidan wax ka beddelka dastuurka,

Waxaan sidoo kale isla soo qaadnay sida ay muhiim u tahay in dhamaan saamileyda siyaasadeed ay kaalin mug leh ugu yeelan lahaayeen dhameystirka Dastuurka” ayuu yiri.

Arintaan ayaa kusoo aaday, xilli ay weli taagan tahay xiisadda ka dhalatay dastuurka oo ay si weyn u diidan yihiin  Farmaajo, Sharfiif,  iyo Madaxweynaha Puntland Saciid Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here