Madaxweynaha Dawlad -goboleedka Galmudug ayaa nasiib darro ku tilmaamay dagaal beeleed dad badan ay ku dhinteen oo todobaadkii hore ka dhacay deegaan ka tirsan gobolka Galgaduud.
Axmed Cabdi Kaariye, ayaa culumaa’uddiinka iyo waxgaradka gobolka ku boorriyay in maamulkiisa ay ka ku garab istaagaan damminta colaadda.
Sidoo kale Madaxweyne Qoor Qoor ayaa Ugu baaqay shacabka Galmudug in ay is cafiyaan kana qab qaataan dadaalada xasiloonoda ee ka jira degaannada Galmudug islamarkaana ay ka dagaalamaan Alshabaab .