Home WARARKA Madaxweyne Xasan oo caawa ka degay dalka…

Madaxweyne Xasan oo caawa ka degay dalka…

22
0

[ad_1]

Jidda (soomaalinews.com) – Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa caawa gaaray magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa berri oo Jimce ah ka qeyb-gali doona Meertada 32-aad ee hoggaamiyeyaasha dalalka ku mideysan Jaamacadda Carabta oo lagu gorfeynayo qadiyadaha wada-jirka ah ee ay wadaagaan dalalka Carabta iyo arrimaha Gobolka.

Xasan Sheekh ayaa waxa uu la wadaagi doona Boqorrada, Amiirrada iyo Madaxda dalalka Carabta xaaladda Soomaaliya, guulaha laga gaaray dowlad-dhiska, dagaalka ka dhanka argagixisada iyo xaqiijinta Soomaali heshiis ah, dunidana heshiis la ah.

Sidoo kale, Madaxweynaha Jamhuuriyadda iyo wafdigiisa ayaa kulan-doceedyo la qaadan doona wufuudda dowladaha Carbeed ee Shirka ka qeyb galaya, si ay u xoojiyaan doorka dalkeenna ee Gobolka iyo Dallada Carbeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa maalmihii dambe ku sugna magaalada Dooxa ee caasimadda dalka Qatar, hakaasi oo caawa uga soo duulay magaalada Jidda ee dalka Boqortooyada Sucuudi Carabiya.

Madaxweynaha ayaa intii uu ku sugna Dooxa waxa uu Qasriga Madaxtooyada dalkaas kulan kula qaatay Amiirka Qatar Mudane Tamiim Binu Xamad Al Taani.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Amiirka Qatar Sheekh Tamiim Binu Xamad ayaa kulankooda diirradda ku saaray xoojinta iskaashiga labada dal, amniga iyo dhammeystirka hirgelinta heshiisyadii ay horey u galeen Soomaaliya iyo Qatar, taasi oo dhabbaha u xaareyso adkeynta xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dowladood.

Amiir Tamiim Binu Xamad ayaa dhankiisa bogaadiyey guulaha miro-dhalka ah ee laga gaaray dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab, isaga oo dowladda federaalka Soomaaliya ku ammaannay daddallada ay ku bixineyso ka sifeynta dalkeeda argagixisada iyo inay hormuud u noqoto xasillooni waarta oo ka hirgasha gobolka Geeska Afrika.

Si kastaba, Soomaaliya ayaa haatan ku jirto marxalad dagaal, kaasi oo uu haatan taageero caalami ah u raadinayo madaxweyne Xasan Sheekh, waxaana dhawaan la filayaa in dalka ka billowdo wejiga labaad ee dagaalkan oo qeyb ka noqonayaan ciidamo ka socda dalalka deriska.



[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here