Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqasho Rasmi ah ku jooga dalka Sacuudiga

32
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqasho rasmi ah ku jooga Magaalda Jida  ee Boqoryooyada Sacuudi Carabiya ayaa waxaa la filayaa in Maanta oo Arbaco ah in uu la kulmo Boqorka dalkaas Mudane Salmaan Binu Cabdicasiis.

Labada Mas’uul ayaa ka wada hadli doono arrimo ay kamid yihiin xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya labada dowladood, amniga, ganacsiga iyo iskaashiga miro-dhalka ah ee ay labada dal wadaagaan.

Soomaaliya iyo Sucuudiga waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo oo qotodheer, iyada oo ay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed xasuusan yihiin garab istaagga ay u muujiyeen walaalahooda Boqortooyada, xilliyaddii adkaa.

Wararka aan helnay ayaa waxaa ay sheegayaan in Madaxweyne Xasan Sheekh uu dib ugu soo laaban doono Magaalada Muqdisho, si uu ugu sii gudbo furumaha dagaalka, si loo dardar geliyo howlgallada ka dhanka ah Al-Shabaab.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here