Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Suuqyada ganacsiga ee ku yaala Xaafadda Islii...

Madaxweyne Xasan Sheekh oo booqday Suuqyada ganacsiga ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi

37
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo booqday qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga bulshada Soomaaliyeed ee ku yaala Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waqti la qaatay muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku sugnaa goobahaasi.

Madaxweynaha ayaa la wadaagay ganacsatada uu kula kulmay halkaasi fursadaha maalgashi, soo kabashada amni iyo horumarada uu xilligaan ku tillaabsaday dalkeennu, isaga oo kula dardaarmay in ay u hoggaansamaan sharciyada dalalka ay ku noolyihiin.

Kormeerka uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku  tagay qaar ka mid ah Suuqyada ganacsiga Xaafadda Islii ee magaalada Nairobi ayaa waxaa ku wehliyay Wasiirka Gaashaandhigga Kenya iyo Mas’uuliyiin kale

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here