Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud oo Madaxtooyada Qaranka kula kulmay Danjiraha Ruushka ee Soomaaliya Mikhail Golovanov ayaa kala hadlay dagaalka ka dhan ah Al-Shabaab ee ka socda Soomaaliya iyo iskaashiga horumarinta iyo arrimaha bini’aadanimada.
Danjire Mikhail Golovanov ayaa bogaadiyay horumarka dowlada Soomaaliya ka sameysay dagaalka ka dhankaah Alshabaab , isagoo tilmaamay sida dowladda Ruushka ay mudnaan u siinayso taagerada dowladda Soomaaliya, gaar ahaan xaqiijinta amniga iyo la dagaallanka Alshabaab iyo Daacish.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dul-istaagay dadaallada naf-hurnimada leh ee Shacabka Soomaaliyeed iyo Ciidaanka Xoogga Dalka ay kaga xoreynayaan Al-Shabaab deegaannada ay kaga sugan yihiin dalka, waxa uuna hoosta ka xariiqay in Al-Shabaabka Soomaaliya ay yahiin caqabad ku hor gudban horumarka gobolka.
Dowladda Soomaaliya oo dagaal adag kula jirta Al-Shabaab ayaa waxaa jira dowlado farabadan oo ka caawiya wallow Ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa degaanka kaliya ay Al-Shabaab ka xorreyeen degaano iyo degmooyin dhowr ah