Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir uga qayb galaya dalka Shiinaha

Madaxweyne Xasan Sheekh oo shir uga qayb galaya dalka Shiinaha

36
0

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada Beijing ee caasimadda dalka Shiinaha.
Madaxweyne Xasan iyo wafdiisa ayaa Magaalada Beijing uga qeyb-gali doona shir madaxeedka Afrika iyo Shiinaha oo ka furmaya magaaladaas ee soomaalinews.com dalka Shiinaha.
Shirkan oo muhiimad weyn u leh xiriirka labada dhinac, ayaa looga hadli doonaa iskaashiga dhinacyada horumarinta kaabayaasha dhaqaalaha, ganacsiga, warshadaha, caafimaadka iyo amniga.
Madaxweyne Xasan ayaa sidoo kale waxaa lagu wadaa inuu kulamo gooni-gooni ah la qaato madaxda sare ee dowladda Shiinaha iyo xubnaha kale ee qeybta ka ah shirkaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here