Home WARARKA Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero u raadiyay ka hortagga qorshaha Itoobiya

Madaxweyne Xasan Sheekh oo taageero u raadiyay ka hortagga qorshaha Itoobiya

51
0

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa xalay ku hoyday magaalada Qaahira ee Caasimadda dalka Masar.
Ujeedka safarka Madaxweynaha ee Magaalada Qaahira ayaa waxaa uu yahay martiqaad rasmi ah oo uu ka helay dhiggiisa Masar Cabdulfataax Al-siisi si ay uga wada-hadlaan xoojinta xiriirka taariikhiga ah ee Labada dal, iskaashiga difaaca iyo amniga Soomaaliya iyo Masar, danaha wadajirka ah iyo xaaladda gobolka.
Inta lagu guda jiro booqashadan, wafdiga dowladda Soomaaliya ee uu hoggaaminayo Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa kulamo muhiim ah la yeelan doona Madaxweynaha dalka Masar, Mudane Cabdulfataax Al-Siisi iyo mas’uuliyiin kale oo sar-sare oo ka tirsan dawladda Masar.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa taageero u raadinaya in uu ka hortago qorshaha Itoobiya ay ku dooneyso inay ku qaadato qeyb kamid ah badda Soomaaliya, xilli natiijo la’aan lagu kala tegay Shirkii uga socday dalka Turkiga.
War-Saxaafadeed kasoo baxay Villa Somalia ayaa waxaa lagu sheegay in Booqashadan ayaa muujinayso muhiimadda uu Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud siinayo horumarinta xiriirka Soomaaliya iyo Masar, iyo in labada dal ay guda galaan fulinta iskaashiga dhanka amniga iyo difaaca, si loo wajaho khataraha argagixisada iyo duruufaha gobolka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here