Home WARARKA Magaalada Dhuusamareeb ooo lagu soo xiray shir looga hadlayay Amniga dalka

Magaalada Dhuusamareeb ooo lagu soo xiray shir looga hadlayay Amniga dalka

63
0

Wasiirka Amniga Gudaha  Xukuumadda  Soomaaliya, Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil (Fartaag), iyo Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa soo xiray shir wadatashi ah oo ka dhacay Dhuusamareeb, kaas oo diiradda lagu saaray horumarinta amniga Soomaaliya.

Shirkaas oo socday labo maalmood ayaa looga hadlay mashruuca wadajirka booliiska (JPP-2) sharciga booliiska Soomaaliya, qorshaha istiraatijiyadeed ee amniga gudaha iyo bixitaanka ciidamada ATMIS.

Wasiir Cabdullaahi Sheekh Ismaaciil ayaa sheegay in shirkan uu muhiim u yahay amniga dalka iyo nabad-gelyada guud ahaan Soomaaliya.

Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Cali Daahir Ciid, ayaa sidoo kale bogaadiyay guusha shirka, isagoo xusay in Galmudug ay tahay goob muhiim ah oo dagaalka ka dhanka ah Alshabaab uu ka socdo.

Sidoo kale waxaa shirka ka hadlay Taliye ku-xigeenka Booliiska Soomaaliyeed iyo wasiirrada amniga dowlad goboleedyada, kuwaas oo soo bandhigay fursadaha iyo iskaashiga lagu xaqiijinayo amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here