Home WARARKA Magaalada Muqdisho oo laga mamnuucay dibad bax aysan ka warqabin laamaha Amniga

Magaalada Muqdisho oo laga mamnuucay dibad bax aysan ka warqabin laamaha Amniga

42
0

Taliyaha qeybta guud ee booliska gobolka Banaadir ayaa si adag uga hadlay banaanbacyada la dhaca Muqdisho ee aan dawlada lagu wargelin  gaar ahaan diubad baxii shalay ka dhacay isgoyska Siinaay ee magaalada Muqdisho, halkaas oo lagu dilay wiildhalin yaro ahaa .

Taliyaha booliska gobolka Macalin Mahdi oo xalay  shir jaraa’id ku qabtay isgoyska Siinaay ayaa sheegay in lasoo xiray dhamaan askartii maanta xabadaha ku riday dadkii banaan-baxa dhigay .

Sido kale Taliyaha Qaybta Guud cee Booliska gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay mamnuuceen dibad bax   aanay ka war qabin Dawlada ee ;ahu qalqal gelinayo Amniga Magaalada Muqdisho isaga  dhan kale sheegay  Askarigii qof shacab rasaas u adeedsada in sharciga la horgeeynayo.

 Dhinaca kale  Xildhibaan Yaasiin Fareey oo ka tirsan Golaha shacabka ee Baarkanaabka Soomaalkiya ayaa si adag uga hadlat dhacdadii shalay ka dhacday Isgiyska Siinaay ee Magaalada Muqdisho isaga oo ku hanjabat in Askarigii ka dambeeyay  dilka Wiilkii lagu dilay Isgoyska Siinaaya aanay ka hari doonin illaa iyo inta sharciga la horgeeynaayo Askarigaasi  .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here