Kooxda Manchester City ayaa indhaha galabta ku haysa hanashada horyaalkeedii afraad oo xidhiidh ah haddii ay ka badiyaan kooxda Westham.
Kooxda Westham o fadhida kaalinta sagaalaad ayaa ay maanta ku kulmayaan garoonka Etihad.
Waxaase wax kastaa isbeddeli karaan haddii kooxda Arsenal oo haatan ku jirta kaalinta labaad laba dhibcood oo keliyana laga sarreyo ay maanta Everton ka badiso sida oo kale Manchester City ku fashilanto in ay badiso.
Haddii wiilasha Guardiola ay barbarro galaan oo ay Arsenal badiso, labada kooxoodba waxay ku dhammaysan doonaan 89 dhibcood iyadoo Gunners ay markan ku gacansarraysanayso hab caato ah farqiga goolasha oo lagu kala bixi doonaa, waxaana ay haatan kala leeyihiin (+61) oo arsenal ah iyo City o oleh (+60).
Toddobaadkan ayaa noqon doona markii 10-aad ee horyaalka Premier League la go’aamin doono maalinta ugu dambeysa ee xilli ciyaareedka.
Sannadkan loollankii Liverpool ayaa meesha ka baxay, isaga oo soo afjaray riyadii ay lahaayeen taageerayaashooda ee ahay in ay guul iyo horyaalkaqaadistiisa a sagootiyaan waayihii xiisaha lahaa ee uu u sameeyey tababaraha Jarmalka ah Klopp, kaas oo ka tagaya sagaal sano oo uu maamulayay kooxdaas kaddib.
Waaxana ay taasi ka dhigan tahay in koobku maanta dhex yaal oo mid kood Manchester City ama Arsenal loo caleemo saari doonaa horyaalnimada dalka Ingiriika, marka galabta lixda fiidnimo bariga Afrika la ciyaaro kulanka u danbeeya.
Waxaana su’aashu ka taagan tahay labada kabtan ee kooxahaas, Kyle Walker mise Martin Odegaard, koodii ruxi doona horyaalka, kaddib 38 ciyaarood oo ay kooxahani ku hirdamayeen.
Waxa ay isu jiraan 200 oo mayl labada garoon ee Etihad Stadium iyo Emirates Stadium, haddaba maxaa laga yeelayaa koobkii sannadkan ay qaadi lahayd kooxda guulaysata haddii labadii kooxood isku wakhtina ciyaarayaan masaafo intaa leegna isu jiraan, maalintii u danbaysayna ay tahay.
Hagaag, ma jiri doonto helikobter labada garoon u kala qaadi doonta koobka marka uu dhawaaqa ugu dambeeya ee ciyaartu dhaco.
Dhab ahaantii waxaa jira laba koob oo isku mid ah, – mid la yaallay kooxda heysata horyaalka sannadkaas iyo mid kale oo isaguna bannaanka yaal oo oo masuuliyiinta Horyaalku hayaan .
Labadaa koob ayaa la kala geeyaa labada garoon ee tartanku filashadu tahay in ay koobka qaadi karaan, taas oo mid garoon lagu haynayo, si kooxda qaaddaa markiiba koobka ay ugu dabbaaldegi lahayd u hesho.
Sida oo kale farshaxammada loogutalagalay kooxda koobka qaadda marka ay dabbaal degayso ayaa lagu diyaarinayaa garoon kasta si haddii ay qaaddo hawshaasi u dhacdo.
Ciyaartoyda ayaa iyagauna aan ka welweli doonin billadahii ay qaadan lahaayeen, iyada oo 40 billadood ay diyaar ku ahaan doonaan labada garoon ee ay ku kala ciyaarayaan Manchester iyo Arsenal.
Maanta ayayna soo gebogeboobi doontaa tartanki dheeraa ee soo socday, iyada oo dhanka kalena, horyaalkaas ay maanta u tahay maalin taariikhi ah, oo ciyaartoy iyo tababarayaal horyaalkan saamayn ku lahaa, sida Klopp ay kulankoodii u danbeeyey gob joog ahaanayaan.
Kooxaha Burnley, Luto iyo Shefield ayaa iyaguna u daadegi doona heerka hoose ee Championship maadaama ay ku jiraan kaalmaha u hooseeya.
Halka kaalmaha sarena marka laga atgo labada kooxood ee koobka ku loollamaya aya booskooda xaqiijisteen Liverpool iyo Astonvilla oo kula biiraya labadaas kore ciyaaridda Horyaalka Champions Leugue