Taliyihii hore ee Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugidda Qaranka Mahad Salad oo ka qeyb qaadanaya gurmadka loo fidinayo Shacabkii waxyeeladu kasoo gaartay weerarkii bahalnimada ahaa ee xalay ayaa dadka Soomaaliyeed ugu baaqay in ay u midoobaan gurmadka dhaawacyada isbitaalada ku jira.
Mahad Salad ayaa sidoo kale bogaadiyay qeybaha kala duwan ee bulshada ee xalay ilaa saaka gurmadka ku jira, waxa uuna dhankiisa dhiig ku deeqay dhaawacyada intii uu ku jiray booqashadiisa Cisbitaalada Muqdisho.