Home CIYAARAHA Man City Mise Inter Milan? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda Kor...

Man City Mise Inter Milan? Taageerayaasha Kubada Cagta Oo Saadaaliyay Kooxda Kor U Qaadi Doonta Champions League. – ...

17
0

[ad_1]

Waxa la soo afjaray kulamadii wareegyada kala duwan ee tartank champions League iyada oo ay laba koox isugu hadhay final-ka tartanka.
Kooxaha Man City iyo Inter Milan ayaa noqday labada kooxood ee iska xaadiriyay final-ka tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Waxa la isku diyaarinayaa Final-ka oo ka dhici doona dalka Turkey gaar ahaan Istanbu iyada oo kooxaha Inter ama Man City midkood calaf u yeelan doono koobka.
Ka hor kulanka UEFA ayaa go’aansatay in ay ogaato kooxda ay taageerayaashu u saadaalinayaan ku guulaysiga koobka champions League xilli ciyaareedkan.
UEFA ayaa samaysay codayn ay ku ogaanayso kooxda ay taageerayaashu aaminsanyihiin in ay ku guulaysan doonto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
Codaynta ayay ka qayb qaateen in ka badan 27,217 taageere oo kala duwan kuwaas oo fikirkooda ka dhiibtay kooxda ku guulaysan doonta tartanka champions League.
64.2% Taageerayaasha ayaa Man City u codeeyay in ay markii ugu horaysay ee taariikhdeeda ku guulaysan doonto tartanka champions League xilli ciyaareedkan.
35.8% ayaa u codeeyay in ay Inter Milan markii 3-aad ee taariikhdooda ku guulaysan doonto tartanka champions League xillli ciyaareedkan.

Related

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here