[ad_1]
Kooxda Man City ayaa ugu dambayn ka aarsatay Real Madrid isla markaas ka reebay tartanka champions League iskana xaadiriyay Final-ka markii 2-aad ee taariikhdooda.
Man City ayaa si cad-cad ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo Real Madrid ku qaaday weeraro aan kala joogsi lahayn oo ay ku doonayeen goolal.
Goolhayaha Real Madrid ee Courtios ayaa sameeyay badbaadino waali ah isaga oo kooxdiisa kaga badbaadiyay in laga dhaliyo Goolal wakhti hore ah.
Courtios ayaa laba fursadood oo cadaan ah ka badbaadiyay Haaland isaga oo u diiday xiddiga reer Norway in uu shabaqiisa soo taabto.
Daqiiqadii 23-aad ayay Man City ugu dambyn dhalisay goolka 1-aad kadib dadaalo waali ah oo ay samaysay waxana u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo hogaanka u dhiibay ciyaartiisa.
Man City ayaan halkaas ku joogsan waxana ay raadinayeen goolal ay ciyaarta ku dheeraystaan hogaankeeda xilli ay Real Madrid bilowday in ay weerar gasho si ay isaga oo bado goolka laga dhaliyay.
Arintaas ayaa City ka caawisay in ay hesho boosas banaan oo ay ka weerari karaan kooxda Real Madrid maadama ay daafaca ka baxday.
Daqiiqadii 37-aad ayay Man City dhalisay goolka 2-aad waxana u dhaliyay xiddiga Bernardo Silva kaas oo dheeraystay hogaanka ciyaarta kana dhigay 2/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay Man City wax walba u samaysay isla markaas ka baxday ciyaarta iyaga oo hogaaminaya.
Qaybta dambe ee ciyaarta ayay Real Madrid si dar-dar leh ku bilaabatay ciyaarta iyaga oo doonayay in ay ciyaarta ku soo laabtaan.
Real Madrid ayaa samaysay fursado wareer ah laakiin waxa ay ku dhibaatoodeen in ay goolal u badalaan fursadahaas.
Daqiiqadii 76-aad ayay Man City ciyaarta hurdo u dirtay kadib markii Eder Mililtao si khaldan isaga dhaliyay goolka ciyaartana ka dhigay 3/0 ay Man City ku hogaaminayso ciyaarta.
Goolhaye Courtios ayaa mar kale fursad waali ah ka hor istaagay Man City waxana fursadaas helay xiddiga Haaland kaas oo ku dhibaatooday in uu gool dhaliyo kulanka.
Laakiin xiddiga Julian Alvarez oo badalay Haaland ayaa dhaliyay goolka 4-aad ee daqiiqadii 90+1-aad ee qaybta dambe ee ciyaarta isaga oo ciyaarta ka dhigay 4/0.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Man City markii 2-aad ee taariikhdooda iska xaadiriyay Final-ka tartanka champions League iyaga oo la ciyaari doona Inter Milan.
Related
[ad_2]
Source link