Home WARARKA Maraykanka oo Fursado maalgashi ka raadinaya Soomaaliya

Maraykanka oo Fursado maalgashi ka raadinaya Soomaaliya

73
0

Danjiraha Cusub ee Maraykanka u qaabilsan Soomaaliya Richard H. Riley oo la kulmay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre ayaa sheegay in Dawladiisa ay diyaar u tahay in ay xoojiso Xiriirka kala dhexeya Soomaliya .
Danjire Riley ayaa boogaadiyay Guulaha ay Dawlada Soomaaliya ka gaartay dhinacyada siyaasadda, amniga, dhaqaalaha iyo bulshada, isagoo ugu hambalyeeyay dowladda Soomaaliya ka mid noqoshada xubnaha aan joogtada ahayn ee Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay sanadka 2025 – 2026.
Sidoo kale Danjiraha Maraykanka ee Soomaliya Richard H. Riley ayaa sheegay in dowladda Mareykanka ay sii wadi doonto taageerada ay siiso Soomaaliya, wuxuuna xusay in shirkadaha Mareykanka ay si weyn u daneynayaan iney maalgashi ku sameystaan Soomaaliya.
Hadalka ka soo baxay Safiirka Cusub ee Dawladaa Maraykanka u fadhiya Soomaaliya ayaa ku soo beegmaya xilli Dawlado badan ay tartan ugu jiraan inay maalgashadaan Soomaaliya .

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here