Home WARARKA Maraykanka oo ka digay qaraxyo ka dhici kara Muqdisho

Maraykanka oo ka digay qaraxyo ka dhici kara Muqdisho

93
0

Safaaradda Mareykanka ee ku taalla Nairobi ayaa sheegtay inay heshay xog la xiriirta weerarro ka dhici kara goobo ka mid ah Muqdisho , oo uu ka mid yahay garoonka diyaaradaha Aadan Cabdulle, dekedda, koontaroolada, xarumaha dawladda, hoteelada, makhaayadaha, goobaha laga dukaameysto, iyo meelaha kale ee ay isugu yimaadaan ajaaniibta reer galbeedka ah, iyadoo warbixinta ay intaa ku dartay in weerarrada loo adeegsan karo qaraxyada baabuurta, is-qarxinta, weerar toos, iyo madaafiic.

Safaaradda Mareykanka uu ku leeyahay Muqdisho, oo baahisay warbixintan digniinta ah ayaa sidoo kale shaqaalaheeda u dirtay wargelin ay ugu sheegayso in la joojiyay dhammaan dhaqdhaqaaqyada safaaradda maanta oo Talaado ah 9 April, mana jirto cid ka bixi karta ama soo geli karta dhismaha safaaradda, waxaana looga digay saraakiisha Mareykanka inay usoo safraan Muqdisho. 

Waaxda Arrimaha Dibadda Mareykanka, ayaa dhankeeda uga digtay muwaadiniinta Mareykanka inay u safraan

Dawladda Soomaaliya iyo laamaha ammaanka dhankooda ma jirto wax digniin ah oo ka soo baxday, xilli la filayo inay berri dhacdo munaasabad ay xilalka kula kala wareegayaan taliyaha magacaaban ee NISA iyo taliyihii hore , halkaa oo ay suragal tahay inuu sidoo kale tago Madaxweyne Xasan Sheekh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here