Home WARARKA Maraykanka oo shaaca ka qaaday in Hoos uu u dhacay dagaalka dawlada...

Maraykanka oo shaaca ka qaaday in Hoos uu u dhacay dagaalka dawlada Soomaaliya ay kula jirto Alshabaab

52
0

Saraakiil  Mareykan ah ayaa sheegay  in ay meesha ka baxeen guulihii ay ciidamada Dawlada Federaalka Soomaaliya ay ka gaareen Al-Shabaab markii dagaalka lagu qaaday  dib u doorashadii madaxweyne Xasan Sheekh.

Mareykanka ayaa sheegay in lexdii bil ee la soo dhaafay ay Al-Shabaab dhinaca kale ugu rogeen guulihi ay ciidanka xoogga dalka Soomaaliya ka gaareen howlgallada  ka dhan  ka ah Al-Shabaab.

Saraakiisha difaaca Mareykanka waxay kale oo sheegeen, in tirada maleeshiyaada Al-Shabaab ay hadda dib ugu soo laabatay tiro u dhaxeyso 12,000 ilaa 13,000 oo dagaalyahan.

Kororkaasi ayay sheegeen inuu dhacay kadib marki ay Al-Shabaab xoojisay isku daygeeda dhallinyarada ay qorato iyo dhaqaalaha soo galo kooxda, iyaga oo si gaar ah uga faa’iideystay is-afgaradki horraanti sannadkaan ay kala saxiixdeen Itoobiya iyo Somaliland, kaas oo marki danbe keenay inuu xumaado xiriirka diblamaasiyadeed ee Soomaaliya iyo Itoobiya.

Mareykanka ayaa horey uga digay in Al-Shabaab ay is-Heshiiskaas  u adeegsan karto in ay ku qoroto dhallinyaro cusub, waxaana hadda muuqata in ay sidaas dhacday ayaga oo ka dhaadhicinaya dhallinyarada in ay dalkooda ka difaacan cadowga soo jireenka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here