Taliska milatariga Maraykanka ee Africa (AFRICOM) ayaa sheegay inaysan ku lug lahayn hawlgal la sheegay inuu ka dhacay buuralayda Calmadow ee gobolka Sanaag.
Dawladda Soomaaliya ayaa 26-kii bishan baahisay war ku saabsan hawlgal ka dhacay buuralayda Calamdow oo ay sheegtay in lagu dilay in ka badan 20 Xubnood oo Al-Shabaab ka tirsan.
Dawlada Maeatknaka ayaa tilmaamtay in haba yaraatee Hawlgalkaas aysan wax lug ah ku lahayn
Sidoo kale Wasiirka Warfaafinta Puntland Maxamuud Caydiid Dirir oo ka jawaanayay war ka dawlada soomaaliya ka soo baxay ayaa sheegay in mamaulka Puntland ay gacanta ku hayaan degaanadaas, dawladda federaalkuna aysan kartideeda lahayn inay hawlgal ka fuliso degaanadaas, sida uu hadalka u dhigay.
Wasiirka Warfaafinta Puntland ayaase qiray in la xaqiijiyey inay qaraxyo dhaceen, waxaase uu sheegay inay diidan yihiin in dawladda federaalku sheegato inay fulisay ama wax ka fulisay.