Cqaadir Muumin oo ah Hogaamiyaha Kooxda Daacish Soomaaliya ayaa lagu bartil maameedsaday duqayn uu Maraykanku 31 May ee sannadkan ka fuliyay degaan qiyaastii 81KM dhinaca koonfur bari ka xiga magaalada Boosaaso balse lama xaqiijin in uu ku dhintay duqayntaas iyo in kale.
Sirdoonka Mareykanka weli si rasmi ah uma shaacin in Muumin uu qabtay xilka hoggaamiyaha sare ee Daacish islamarkaama kama jawaabin warbixinta NBC News ka soo xigatay saraakiil Sirdoon oo Maraykan ah kuwaas oo magacyadooda qariyay.
Dhinaca kale Sirdoonka Maraykanka ayaa ogaaday in hoggaamiyaha Daacish ee Soomaaliya Cabdulqaadir Muumin uu sannadkii hore la wareegay xilka hoggaamiyaha guud ee Daacish sida laga soo xigtay warbaahinta NBC News.
Cabdulqaadir Muumin ayaa beddelay Abu al-Hasan al-Qurashi, oo lagu dilay dagaal ka dhacay Suuriya dabayaaqadii 2022 sida ay warbaahinta NBC ka soo xigatay laba sarkaal oo ka tirsan Sirdoonka Maraykanka.