Home WARARKA Maraykanka oo soo farageliyay Khilaafka ka taagan wax ka bedelka Dastuurka

Maraykanka oo soo farageliyay Khilaafka ka taagan wax ka bedelka Dastuurka

37
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa booqasho aan la shaacin ku tagay xarunta Xalane .

Farmaajo ayaa tagay xarunta safaaradda a Mareykanka ku leedahay Xalane, waxa uuna halkaasi kula kulmay Sii-hayaha safiirka Mareykanka, waxa uuna kala hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka.

Sida  Wararku ay sheegayaan Madaxweyne hore Farmaajo iyo sii-hayaha Safiirka Mareykanka ayaa kawada hadlay xaalada siyaasadeed ee dalka ka taagan , gaar ahaan khikaaf ka taagan wax ka bedelka Dastuurka KMG ee dalka u yaallay oo Farmaajo iyo siyaasiyiinya diidan Habka loo maray wax ka bedelka Dastuurka.

Farmaajo ayaa sidoo kale la sheegay in Mareykanka uu kala hadlay in dowladda uu hoggaamiyoMadaxweyne  Xasan Sheekh ay dhagaha ka fureesatay baaqyada siyaasiyiinta mucaaradka iyo maamulada qaar ee ku aadan wax ka bedelka Dastuurka.

Siyaasiyiinta Soomaaliyeed ayaana caado ka dhigta in ay la kulmaan diblumaasiyiinta reer Galbeedka marka ay xilalka banneeyaan, waxaana taasi dhibsada madaxda xilligaasi kuraasta fadhisa oo ku dhaliila siyaasiyiintaasi kuwa aan waddani aheyn.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here