Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka XFS Mudane Saalax Axmed Jamaac iyo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa maanta daahfuray mashruuca Nagaad ee hirgalinta nash-qadadeenta dhismaha bulaacadaha biya-mareenada Caasimadda oo daahfurkiisa ka dhacay xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar.
Wasiirka wasaarada Howlaha Guud ee XFS Mudane Cabdisalaan Cabdi Cali Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasada Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiye Ku-xigeenka Howlaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Xasan Maxamed Jimcaale, Agaasimaha Hey’adda UNOPS u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Mr. Al’aa iyo mas’uuliyiin kale ayaa goob joog ka ahaa daahfurka mashruucan
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa uga mahad celiyay hey’adda lacagta adduunka ee World Bank iyo UNOPS sida ay uga soo jawaabeen codsiga la xariira sidii xalwaara looga gaari lahaa dhismaha Bulaacadaha iyo maareeynta Biyaha Roobka.