Home WARARKA   Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho oo dadka ku cibaadeysanaya Amar la...

  Masjid ku yaala Magaalada Muqdisho oo dadka ku cibaadeysanaya Amar la dul dhigay

67
0

Masaajidka ugu weyn Magaalada Muqdisho ee Cali Jimcaale, ayaa dhawaan waxaa Maamulka Masaajidkaas kasoo baxay awaamiir lagu kala saarayay dadka ku ictikaafaya masaajidka maadaama ay badan yihiin .

Magaalada Muqdisho oo ay ku noolyihiin dad badan ayaa durba waxa ay Maktabadaha masaajidka si ay usoo hubiyaan qaabka ay boos uga heli karaan, iyadoo tirade durba ay buux dhaafisay.

Maamulka sare ee masjidka Cali Jimcaale ayaa shuruudo kasoo saaray sida ay dadka u kala sheegaan iyada oo tobanka dambe ee Ramadaan ay foodda nagu soo heyso.

Sheekh Cabdikariin Ciise Cali oo ah Imaamka kana mid ah mas’uuliyiinta masaajidka ayaa sheegay, “Maadaama dadka masaajidka soo baxay hadana raba in ay ictikaafaan ay badanyihiin, maamulka masaajidka waxa ay soo saarayaan shuruudo lagu kala saarayo dadka”.

Ilaa afar shuruuudood oo waawayn ayuu ka dhawaajiyay Sheekh Cabdikariin, taas oo kasoo bixi wayda aanay sugnaatay in ay kamid tahay dadka ku ictikaafacaya masaajidka.

“shuruudda 1-aad waa in qofka ictiraafaya uu yahay qof rag ah, taas micneheedu ma ahan in dumarka laga sameeyo, laakiin muqaalka nooma saamixin in ay ku ictiraafaan Masjidka.

Qodobka 2-aad, waa in qofka ictikaafaya uu yahay qof kaweyn da’da 20-ka sano, taas waxa aan uga dhignay in taariikhda uu noqdo qof mas’uul ah maadaama ay qalab qaar telefoonnada ku mashquulaan ama ay maanta dhan wax duubaan taas oo ay dhibsadeen dadka waaweyn ee ictikaafaya”, ayuu yiri Sheekh Cabdikariin.

waxa uu sheegay in shuruudda 3-aad ay tahay in qofka ictikaafaya ugu baahan looga baahan yahay in uu is diiwan geliyo, waxa uu sheegay in barnaamij xidhidin doono barta Facebook-ga ee masaajidka qof kasta oo saxeexa in uu soo wacyo foom ku qoran.

Waxaa xusid mudan in qofka loo oggolaaday in uu kamid noqdo dadka ictikaafaya uu heli doono fariinta gaaban ee ugu dhacay telefoonkiisa.

“Shuruudda kale ee 4-aad waxa ay tahay in qofka laga helo damiin iyo aqoonsi, taas waxa ay ku timid in meelaha qaar ay ka dheceen in dadka ictikaafaya mararka qaar la dhacdo oo telefoonnada iyo alaabaha laga aruursado, waxaan loo baahan yahay damiin ah siyaasi ama siyaasi oday dhaqan ama ganacsade ama qof mas’uul ah oo la garan karo”, ayuu yiri sheekh Cabdikariin.

Aqoonsiga labada qof ee dambiyada iyo la damiinta ayaa muhiim ah oo goobta laga xusay sida uu sheegay Sheekha.

Waxaa kale oo jirta in qofka laga shakiyay in uu caafimaad isla dhalaal uu keeno warqad caafimaadkiisa in uu wanaagsanyahay.

Sheekh Cabdikariin ayaa sheegay in Meesha la’isugu imaanayo ay tahay mas’aladaha isla waqti badan la joogayo taasi ay keeneyso in qofka la hubiyo caafimaadkiisa si uu u qabto qofka loo fiiriyo.

Culimada Masjidka Sheekh Cali Jimcaale ayaa sidoo kale sheegay in qofka Kujira masaajidka ee loo oggolaaday in uu ictikaafo afurkiisa iyo suxuurtiisaba ay kafaala-mareen waalidiinta isla aysan jirin wax looga baahan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here