Home WARARKA Maxaa ka soo baxay kulanka Farmaajo iyo sheekh shariif ?

Maxaa ka soo baxay kulanka Farmaajo iyo sheekh shariif ?

46
0

Madaxweynayaashii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed iyo Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa xalay kulan ku yeeshay magaalada Muqdisho, xilli aywadaan  olole   ay uga soo horjeedaan wax ka bedelka Dastuurka .

Qoraal  kooban oo uu  Madaxweyne hore Maxamed Cabdullaahi  Farnaajo uu soo dhigay Bartiisa Face book ayuu ku yiri “Waxaan hoygiisa kulan wadatashi oo miro dhal ah ku yeelannay Madaxweynihii hore ee dalka Mudane Shariif Sheekh Axmed.”

“Waxaan ka wada hadalnay xaaladda dalka, gaar ahaan arrimaha siyaasadda iyo dooda beryahaan ka taagan wax ka baddelka Dastuurka, waxaana hoosta iskala xarriiqnay xaaladda dalka iyo arrimaha dastuurka hadda socda in ay u baahanyihiin wadatashi ballaaran.”

“Waxaan isla garannay inaan sii wadno kulamadeenna iyo wadatashigeenna, isla markaasna laga qeyb geliyo siyaasiyiinta dalka iyo qeybaha kale ee bulshada.”

Madaxweyneyaal hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo Shariif Sheekh Axmed ayaa isku soo dhawaaday tan iyo dib u doorashadii  Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here