Madaxwaynaha Dowlad goboleedka Galmudug mudane Axmed Cabdi Kaariye ayaa xarunta madaxtootayada Galmudug ee Magaalada Dhuusamareeb ku qaabilay siihayaha madaxa xafiiska Qarammada Midoobay ee Soomaaliya James Swan iyo wafdi uu hoggaaminayo oo howlo shaqo u yimid Galmudug.
Kulanka ayaa looga hadlay xaaladda guud ee dalka, amniga iyo la dagaalanka Alshabaab , Dastuurka iyo doorashooyinka dalka iyo howlaha ay hay’adaha qarramada Midoobay ka wadaan deegaannada Galmudug
Hase ‘ahaate, socdaalka uu maanta ku tagay James Swan Magaalada Dhuusamareeb ee Caasimadda Dawlad goboleedka Galmudug ayaa ku soo aadaya Xilli ay soo dhawdahay doorashada Galmudug