Madaxweynaha JFS Mudane Dr. Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay kulan gaar ah magaalada Nairobi kula yeeshay Madaxa Bangiga Horumarinta Afrika Mudane Akinwumi Adesina.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa masuuliyiinta Bangiga Horumarinta Afrika u xaqiijiyey sida ay Soomaaliya uga go’an tahay dib u habeynta dhaqaalaha, isagoo ku booriyay madaxda Bangiga in ay laba jibaaraan dadaalkooda iyo maalgashigooda, si loo gaaro horumar iyo kobac waara oo ka hana qaada gobolka.