Home WARARKA Maxay kawada hadleen Sheekh Shariif & Dhaxal sugaha Sacuudiga ?

Maxay kawada hadleen Sheekh Shariif & Dhaxal sugaha Sacuudiga ?

59
0

Madaxweynihii hore ee Dalka Mudane Sharif Sheikh Ahmed ayaa fariin Bogaadin ah u diray Boqortooyada Sacuudiga wuxuu ku bogaadiyay adeegyada cusub ee sannadkan ay u fidiyeen Xujeyda gudanaysay acmaasha Xajka.

Wuxuu sidoo kale  Dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadceliyay martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada waajibaadka Xajka.  

Sidoo kale Sharif Sheikh Ahmed ayaa  bogaadiyay kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Sheekh shariif oo qoraal soo dhigay Bartiisa Face Book ayaa u qornaa sidaan:

Waxay mahad u sugnaatay Allaah (SWT), oo inoo suurta geliyey inaan markale sanadkaan kamid noqonno Muslimiintii soo gudatey waajibaadkii Xajka. Waxaan uga mahadnaqaayaa madaxda Boqortooyada Sacuudiga oo ay ugu horreeyaan Boqor Salmaan Bin Cabdul Casiis iyo Dhaxal Sugaha Maxamed Bin Salmaan, oo  adeegyo cusub oo u fududeynaayo sannadkan usoo kordhiyey  martida Alle ee sannadkan gudanaysay acmaasha waajibaadka Xajka.

Waxaan si gaar ah, dhaxalsugaha Boqortooyada Sacuudiga Maxamed Bin Salmaan uga mahadcelinayaa casuumaada martiqaadka qado sharafka uu u sameeyay mas’uuliyiinta sannadkan kasoo qeybgashay gudashada Xajka oo aan kamid ahaa.

Waxaan bogaadinayaa kaalinta Boqortooyada Sacuudiga ee ku aaddan isgarab taagga wadamada Islaamka oo dhan gaar Ahaana dadaallada dhismaha dowladnimada Soomaaliya iyo gargaarka bani’aadannimo ee ay muddada dheer la garab-taagnaayeen shacabka Soomaaliyeed.

Waxaan Dadka iyo Dalka Soomaaliyeed uga baryayaa inuu nabad iyo barwaaqo inooga dhigo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here