Maamulka Somaliland ayaa dhambaal tacsi ah u diray qoysaska ay dadkii ku dhintay qaraxyadii Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho.
qoraal ay soo saartay wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland oo ay soo xigatay wakaaladda wararka ee SOLNA, ayaa dhambaal tacsi ah loo ditay qoysaskii 37kii qof ee ku dhintay qaraxa argagixisada ay ka geysteen muqdishoayaa lahu yiri qoraalka .
Waxa kaloo wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland tilmaantay in ay garab taagan tahay xilliyada adag qoysaska iyo dhibaneyaasha rayidka ah ee wax ku noqday weerarkaas.
Soomaliland waxa ay caddaysay in ay si weyn uga murugaysan tahay weerarka argagixiso ee Xeebta Liido ku galaaftay dad aan waxba galabsan oo shicib ah, gaar ahaan dhallinyarada Soomaaliyeed ayaa sidoo kale lagu yiri qoraalka ka soo baxay wasaarada Arimaha dobada Soomaliland.