Home WARARKA Maxay Tahay Sababta Warbaahinta Dawlada aan looga sii deeyn khudbad...

Maxay Tahay Sababta Warbaahinta Dawlada aan looga sii deeyn khudbad uu Sheekh Shariif ka jeediyay baarlamaanka?

90
0

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa sheegay in laga hor istaagay warbaahinta qaranka ee Soomaaliya in laga baahiyo khubad uu shalay u jeediyay labada gole ee baarlamaanka Soomaaliya.

Shariif Sheekh Axmed ayaa khudbaddiisu ku saabsaneed wax ka badelka dastuurka ee dowladdu waddo iyo guudahaan xaaladda dalku marayo xilligaan.

Qoraal uu bartiisa Facebook, ku baahiyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayuu ku sheegay in aanu garan karin “sababta keeni karta in baahinta hadalkiisa is hortaag lagu sameeyo”.

Wuxu sheegay in tillaabadaan ay muujineyso sida loo diidanyahay aragtiyada xildhibaannada iyo siyaasiinta kale.

Shariif Sheekh Axmed ayaa ka mid ah madax hore iyo siyaasin kale oo dhowr jeer soo saaray qoraallo ay ku dhaliilayaan sida dowladdu u wajahayso qaar ka mid ah arrimaha masiiriga ah 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here