Home WARARKA Maxkamad  Amartay in la sii haayo Burcad badeed Soomaali ah

Maxkamad  Amartay in la sii haayo Burcad badeed Soomaali ah

127
0

Maxkamad ku taalla magaalada Mumbai ee xarunta gobolka Maharashtra ee Galbeedka Hindiya ayaa amartay 35- oo Burcad Soomaali ah oo lagu wareejiyay booliiska dalkaas in xabsiga lagu sii haayo.

Eedeysanayaasha ayaa la horgeeyay maxkamad ku taalla magaalada Mumbai oo horay loogu yeeri jiray Bombay.

 Garsoorka maxkamada Mumbai ayaa booliiska u ogolaaday in ay eedeysanayaasha sii hayaan 10 maalmood ilaa inta laga soo gabagabeynayo  Daceada kiiskooda.

Eedeysanayaashan Soomaalida ah ayaa lagu xiray Markab dagaal muddo 40-saacadood  ah oo ay lahaayeen Ciiddanka Badda Hindiya 15-kii bishii March.

Qabashada burcad badeedan  ayaa ah tiradii ugu badneyd ee kiisas ah oo ka dhaca Badweynta Hindiya ku dhawaad ​​6 sano.

Sannadkii 2011-kii, 120-muwaadiniin Soomaali ah oo lahu Eedeeyay Burcad badednimo  oo laga soo qabtay badda Soomaaliya ayaa maxkamad ku taalla dalka Hindiyaay  xukuntay.

Waxaa lagu xukumay 7 sano oo xarig ah magaalada Mumbai ee dalka India.

Labo kamid ah burcadbadeedda ayaa ku dhintay xabsiga halka 118-ka kalena dib loogu soo celiyay dalka hooyo kadib markii ay dhameysteen xukunkii lagu riday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here