Home WARARKA Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo Xukun dil ah ku riday Sayid Cali...

Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir oo Xukun dil ah ku riday Sayid Cali Macalin Daa’uud

45
0

kaddib markii ay ku heshay in uu gubay xaaskiisa Luul Cabdicasiis, dhaawicii gaarayna ay u dhimatay.

Maxkamadda Racfaanka ayaa qabatay afar fadhi oo lagu dhageysanayay racfaan dalbashada Sayid-Cali Macalin Daa’uud, iyadoo qareenadiisu soo bandhigeen sababta ay racfaanka uga qaateen xukunka horey ugu dhacay ee ahaa dilka.

Gudoomiyaha Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaabir Saciid Cali Maxamed oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in Maxkamadda Racfaanka  Ayideyso Xukunkii hore ee Maxkamada gobolka Banaadir  ugu riday Sayid Cali Macalin Daa’uud kuna xukumay dil Toogasho ah.

Xukunka dilka ah ee ay maanta Maxkamdda Racfaanka gobolka Banaadir ku riday Sayid Cali Macalin Daa’uud ayaa Waxaa ka Hoob joog ka ahaa Ehelada Sayid Cali Macalin Daa’uud iyo Ehelada  Marxuumad Luul Cabdi Cabdi Casiis.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here