Home WARARKA Maxkamadda Sare ee dalka oo go’aan ka soo saartay kiiska Sayid Cali

Maxkamadda Sare ee dalka oo go’aan ka soo saartay kiiska Sayid Cali

33
0

Maxkamadda sare ee Soomaaliya ayaa maanta u fariisatay dhageysiga 2-aad ee Dacwadda eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud oo ku eedeysan in uu gubay Xaaskiisa Luul Cabdicasiis, bilowgii sanadkaan, isla markaana ay u geeriyootay dhaawacii kasoo gaaray dabkaasi.
Dacwadaan ayaa soo martay Maxkamadda darajada 1-aad ee gobolka Banaadir iyo sidoo kale Maxkamadda Rafcaanka ee gobolka Banaadir, waxayna kusoo rideen xukun dil toogasho ah eedeysane Sayid Cali Macalin Daa’uud.
Maxkamadda sare ee dalka ayaa sheegtay in ay diiday Rafcaanka ay kasoo qaateen Qareenadda eedeysane Sayid Cali Macalim Daa’uud xukunkii Dilka toogashada ahaa ee Maxkamadda Rafcaanka gobolka Banaadir hore ugu soo xukuntay.
Ugu dambeeyntii Maxkamada sare ee dalka ayaa Ayiday Xukunkii Maxkamada Racfaanka gobolka Banaadiray ku riday Sayid Cali Maxalin Daa’uud ee ahaa dil toogasho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here