Home WARARKA Maxkamadeynta  Sufyaan iyo   Eeda loo heysto

Maxkamadeynta  Sufyaan iyo   Eeda loo heysto

38
0

Maxkamadda Darajada Koowaad ee ciidamada qalabka sida ayaa la horgeeyay Sufyaan Sheekh Axmed Taakeeye oo laga soo qabtay dalka Kenya.

Sufyaan Sh Axmed  Taakeeye oo ku caan baxay afar xaasle ayaa caan ka ahaa baraha bulshada, kahor inta uusan soo gelin gacanta dowladda federaalka Soomaaliya.

Ninkan ayaa muddo u xirnaa Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA, waxaana ugu dambeyn maanta uu kasoo muuqday Maxkamadda Ciidamada.

Sidoo kale waxaa loo haystaa faafinta fikirka xagjirnimada ee Alshabaab iyo marin habaabinta dadka.

Haddii lagu helo dambigan ayaa Taakeeye wuxuu muteysan doonaa xukun adag, gaar ahaan xabsi aad u dheer oo ay ku riddo Maxkamadda Ciidamada ee Soomaaliya.

bishii October ee sanadkii hore laga soo qabtay ninkan magaalada Nairobi oo uu daganaa, isla-markaana laga soo dajiyay magaalada Muqdisho, kadib markii ay soo qabashadiisa iska kaashadeen sirdoonada waddamada Kenya iyo Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here