Home WARARKA Maxkamdda Gobolka  Galgaduud oo xukun dil ku riday nin dil bareer ah...

Maxkamdda Gobolka  Galgaduud oo xukun dil ku riday nin dil bareer ah geystay

55
0

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa xukun dil ah ku riday Cabdi Maxamuud Xaashi oo dil bareer ah ugu geestay deegaan dhaca duleedka degmada Caabdudwaaq marxuum Maxamed Cabdi Xaashi.

Xeer ilaalinta maxkamadda gobolka Galgaduud ayaana ku eedeesay Cabdi Maxamuud Xaashi in si kas ah u dilay marxuumka , waxa ayna maxkamadda soo bandhigtay caddeymo muujinaya dilkaasi, marqaatiyaal iyo qoraygii dilka lagu geestay.

Maxkamadda horteeda ayaana lagu weediiyay ninka dilka geestay in uu galay dambiga lagu soo eedeeyay, waxa uuna ninkaasi  qirtay in si bareer ah u dilay marxuum Maxamed Cabdi Xaashi, isaga oo codsaday in loo gacan galiyo ehelada marxuumka uu dilay.

Garsoore  Axmed Salaad Kulane ayaana ugu dambeyn  ku xukumay dil toogasho ah Cabdi Maxamuud Xaashi oo ah qisaasta marxuumkii uu dilay ee Maxamed Cabdi Xaashi.

Maxkamadda gobolka Galgaduud ayaa sidoo kale shalay xukun dil ah ku riday gacankudhiigle Cabdixakiin Axmed Cigaal oo isna maxkamadda horteeda ka qirtay in dil bareer ah u geestay marxuum weriye samafale Cabdixaxiin Axmed Bulxan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here