Maxkamadda Rafcaanka ee Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan ka soo saareysa kiiska eedeysane Sayid-Cali Macalin Daa’uud oo loo haysto inuu xaaskiisa Luul Cabdi Casiis gubay islamrkaana ay u geeriyootay dhaawac soo gaaray .
Maxkamadda Racfaanka gobolka Banaadir ayaa 3 fadhi oo hore la horgeeyay Maxkamdda kuna dhageysatay kiiska Sayid Cali.
Ehelada Sayid-Cali ayaa hore rafcaan uga soo qaatay xukun dil toogasho ah oo ay ku ridday Sayid Cali Macalin Daa’uud maxkamadda G/Banaadir.
Soomaalida ku sugan Gudaha dalka iyo Dibada ayaa indhaha ku haaya Natiijada ka soo bixi doonta Dhageysiga natiijada Kiiska Sayid Cali Macalin Daa’uud.
Howlgal ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada XDS, oo kaashanaya dadka deegaanka iyo saaxiibada Caalamiga ah ayaa ka kala dhacay goballada Galgaduud iyo Sh/dhaxe.