Home WARARKA Medydka Nin Ganacsade ahaa oo laga helay duleedka Muqdisho

Medydka Nin Ganacsade ahaa oo laga helay duleedka Muqdisho

48
0

Waxaa xalay si arxan darro ah duleedka Muqdisho loogu dilay Abuukar Axmed Kaabax oo ahaa wiil dhallinyaro aqoonyahan ganacsade aoosi wayn looga yaqaannay Muqdisho.

Marxuum Abuukar Kaabax oo xalay rag hubeysan gaarigiisa ku Afduubteen ayaa Meydkiisa oo si arxan darro ah loo dilay saaka aroorti laga helay duleedka Muqdisho ee Garasbaaleey, ehellada marxuumka ayaa aad ula fajacay dhacdadaan murugada leh ee ku dhacday wiilkooda oo aan waxba galabsan.

Ehellada marxuumka ayaa Warbaahinta u xaqiijiyey inaysan aasi doonin wiilkooda ilaa baaritaan dhab ah looga sameeyo dhacdadaaan oo tuhunno badan ku wareegsanyihiin.

Maalmo ka hor ayey ahayd markii Marxuum C/naasir oo ahaa wiil dhallinyaro ah oo kasoo jeeda Soonaaliland si arxan darro ah loogu dilay hoygiisa magaalada Muqdisho taasoo tuhinno badan dhalisay ilaa haddana aysan hay’adaha amniga soo xaqiijin cidda ka danbeysay dilka marxuumka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here