Dowladad Soomaaliya ayaa shalay u amartay in meydadka laga saaro qabuuraha iskool Buluusiya ee degmada Xamar Jajab , waxaana arrinkan uu hadal heyn badan ka abuuray baraha bulshada iyo warbaahinta, iyadoona dowladda lagu dhaliilay ammarkan ay soo saartay.
Waxaa qabuuraha iskool Buluusiya ee magaalada Muqdisho ku kalahay qaar maanta kamid ah ehelada dadkooda halkaasi ku aasnaayeen, kuwaa oo doonaya in meydadka la baxaan kuna aastaan goobo kale .
Ciidamada booliisla ayaa la sheegay in saakay dadka doonaya in meydadka ehelkooda la baxaan ku amrayay in marka hore tagaan xarunta maamulka gobolka Banaadir ayna halkaasi kasoo qaataan warqad meyd la bixid ah.
Sidoo kale ciidamada ammaanka ayaa saakay warbaahinta u diiday in ay tagaan qabuuraha iskool Buluusiya, waxa ay sidoo kale ciidamada dadka ay u fasaxayeen qabuuraha ka reebayeen moobeelada gacanta, si aysan halkaasi muuqaallo uga duubin.
Dowladda Soomaaliya ayaana ku amartay dadka ehelkooda ku aasan yihiin qabuuraha iskuul Buluusiya in ay halkaasi kala baxaan muddo 19-cisho ku siman, si dhulkaasi dowladda ula wareegto loogana dhiso xero ciidan.