Home WARARKA Meydadka Xubno ka tirsan Alshabaab oo laga helay Agagaarka Degmada Ceeldheer ee...

Meydadka Xubno ka tirsan Alshabaab oo laga helay Agagaarka Degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

9
0

Ciidanka Xoogga Dalka iyo kuwa Deegaanka oo labadii maalmood  ee lasoo dhaafay Hawlgallo ka dhan ah ah Alshabaab ka waday  nawaaxyiga degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud  islamarkaana helay meydadka xubno ka tirsan Alshabaab oo lagu dilay dagaalkii ka dhacay degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud

meydadka ilaa 10 xubnood oo ka tirsanaa Alshabaab ee la helay ayaa ka mid ah kooxihii  soo weerartay Maalintii Sabtidii degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud sida ay sheegeen  saraakiisha Ciidamada Dawlada .

Ciidamada Dawlada ayaa sidoo kale gacanta ku soo dhigay  xubno ka tirsan Alshabaab , intii lagu jiray Hawlgal ka dhan ah Alshabaab ee laga sameeyay degaano hoostaga degmada Ceeldheer dagaalkii  kadib.

Dagaalkii maalinta sabtida Alshabaab ay ku qaadeen degmada Ceeldheer ee gobolka Galgaduud ee sababay khasaare kala duwan oo dhimasho iyo dhaawac ah ayaa dawlada waxaa ay xoojisay Amniga degmada Ceeldheer ee gobolka galgaduud si looga hortago weerarda Alshabaab ay soo qaadayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here