Home WARARKA Meydka Marxuum Cabdinaasir Dahable oo la aasay

Meydka Marxuum Cabdinaasir Dahable oo la aasay

53
0

Madaxweynaha Maamulka Somaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa boqollaal qof kala qaybgalay salaadda janaasada iyo aaska maydka marxuum Cabdinaasir Muuse Dahable oo lagu aasay Qabuuro ku  yaalla magaalada Gabiley, oo ah halkii uu ku dhashay Marxuumka .

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay aaska ayaa sheegay in Dawladda Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ay waydiinayaan Sababta loo dilay Cabdinaasir Dahable Jawaabtana ay ka sugayaan.

Dhinaca kale Sida uu sheegay Agaasimaha Isbitaalka Hargeysa Dr Cabdiraxmaan Maxamed Cismaan maydka marxuumka waxay ku sameeyeen baaris qaadatay muddo 48 saacadood ah, isla markaana waxay ku ogaadeen in Cabdinaasir lagu ceejiyay xarig dhumucdiisu wayn tahay muddo shan iyo illaa todobo daqiiqo ah, taasina ay keentay geeridiisa.

Marxuum Cabdinaasir Dahable ayaa ka tirsanaa shaqaalaha waaxda duulista rayidka Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho, waxaana aan la ogeyn dilkiisa cida ka dambeysay uu ku soo aaday xili muran la xiriira maamulka hawada uu soo kala dhex galay dowlada Somalia iyo maamulka Somaliland.

Hay’adaha Amniga ee Dawlada Federaalka ayaan illaa hadda war ka soo saarin dilka marxuumka inkastoo ay sheegeen iney wadaan baaritaano ayna dilkaas u soo xireen illaa 6 qof oo la tuhunsan yahay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here