Home WARARKA Middee ayaa maanta u dhow ictiraaf iyo midnimo kadib 32 sano?

Middee ayaa maanta u dhow ictiraaf iyo midnimo kadib 32 sano?

43
0

[ad_1]

Hargeysa (soomaalinews.com) – Magaca Somaliland maanta waa 32 jir, waxa uu ku jiray gorgortan ictiraaf wixii ka horreeyay 2023-ka. Wuxuu xambaarsanaa ereyo ay kamid yihiin nabad, dimuqraadiyad, xasillooni siyaasadeed iyo ilaalinta xuquuqda aadannaha.

Waxaa kale oo doodda ictiraaf doonka ay ku xoojineysay Somaliland xasuuq ka dhacay deegaankaas 1988-dii. Dalal iyo hay’addo caalami ah ayaa muddadaas qolaba si uga fal-celisay damaca ictiraaf doonka ah ee Somaliland.

Laakiin sanadkaan 2023 waxa ugu badan ee adduunka ka yiri Somaliland lama xiriirto ictiraaf.

Waxaa eegayna qoddobadii ay Somaliland ku iibineysay mashruuca ictiraafka waxa maanta ka dhaqan, kuwaasi oo kala ah;

1. Nabaddii: Somaliland waxay hore u aheyd deegaan nabada ku faana, laakiin 2023 dagaalka Laascaanood ayaa dhinac u riixay cinwaankii nabadda Somaliland. Halkan waxaa ku dhintay boqolaal dad ah.

Hay’addaha qaar ayaa waxay ku tilmaameen inuu tacadi xooggan ka dhacay magaalada Laascaanood, halkaasi ay Somaliland ka fulisay duqeymo saameeyay goobo cibaado, kuwa caafimaad iyo dad shacab ah.

Kumanaan dad ah ayaa ku barakacay dagaalkan, Boorama iyo goobo kale oo isla Somaliland ah ayaa sidoo kale marti-gelinaya shaqaaqooyin qabiil.  Nabaddii halkan ayay ku naafowday ayay leeyihiin dadka ka faalloonaya arrimaha Somaliland.

2. Dimuqraadiyaddii siyaasadda: Qodobkan waxa uu kamid ahaa kuwa ugu waaweyn ee ku faanto Somaliland. Muuse Biixi ayaa muddo xileedkii ka dhamaaday bishii November ee sanadkii hore, wuxuu sameystay muddo kororsi laba sano ah. Mucaaradka ayaa diiday oo dhigay banaanbaxyo laakiin awood ciidan ayuu u adeegsaday Muuse, halkaas oo dad rayid ah ay ku dhinteen.

Dhowr jeer beesha caalamka waxay Muuse Biixi ka dalbatay inuu doorashada qabto. Halkaan waxaa iyadana mugdi ku galay qodobkii labaad ee Somaliland ku raadineysay ictiraafka, oo ahaa dimuqraadiyada iyo is-ogol siyaasadeed.

3. Beesha caalamka: Wakiiladda beesha caalamka ee jooga Soomaaliya waxay ka quusteen inay hoggaamiye Biixi ku qanciyaan inuu ciidanka ka dulqaado magaalada Laascaanood, waxay kale oo ku qancin waayeen in doorasho uu qabto.

Waxay dhowr jeer ku hanjabeen in lala xisaabtami doono kuwa ku lugta leh dhibaatada ka taagan magaalada Laascaanood. Wakiiladda beesha caalamka waxay u muuqdaan inay kasii niyad jabayaan la macaamilka Somaliland.

Farriimaha laga tabinayo maamulka Somaliland oo ay safaaraddaha u gudbinayaan waddamadooda waqtigaan, waxay sii tir-tirayaan farriimihii tognaa ee sanado kahor laga tabinayay Somaliland, ee abuurayay rejada ictiraafka.

4. Guuxa midnimada: Reer Laascaanood waxay kor u sheegeen in aan loo dhameyn qorshaha gooni isu-taagga Somaliland, kadibna deegaano kale ayaa guux kaas lamid ah uu ka billowday.

Haddii dhowr sano kahor adduunka loo gudbinayay dad reer Somaliland oo isku duuban oo raba ictiraaf, hadda waxaa la gudbiya in bulshada deegaanadaasi wada degan ay si weyn ugu kala qeybsan tahay inay ka go’aan Soomaaliya.

5. Dowladda federaalka ah: Dowladda Soomaaliya oo fahamsan sida dhamaan caqabadahaasi usii jiirayaan damacii Somaliland ayaa dhawaan magacowday ergey dib u bilaaba wada-hadallada.

Magacaabista ergeygan kahor madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud waxa uu si cad u sheegay in Somaliland kala hadleyn marna uusan aqbaleyn in Soomaaliya la kala jaro.

Hargeysa, iyada oo farriintaas haysata ayay haddana si weyn usoo dhaweysay ergeygii uu magacaabay Xasan Sheekh Maxamuud. In ay itaal dhigeen oo sii quusanayaan iyo inay culeyska dhinac walba ka haysta ay iskaga dejinayaan soo dhaweyntan, midda ay tahay si fiican looma fahamsana.

Marka dhamaan arrimahaan la isku geeyo, 32 sano kadib dadku maanta waxay ka dooddayaan middee Somaliland u dhow ictiraaf iyo midnimo. Cidda rejo beelkan abuurtay waxaa loo arkaa hoggaanka maanta ee Somaliland.



[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here