Home CIYAARAHA Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya In Uu Jabiyo Rikoodh Uu Dhigay...

Mohamed Salah Oo Isha Ku Haya In Uu Jabiyo Rikoodh Uu Dhigay Thierry Henry – ...

50
0

[ad_1]

Xiddiga kooxda Liverpool Mohamed Salah ayaa sii wada wacdarihiisa isaga oo jabinaya rikoodhada maalinba maalinta ka dambaysa kadib markii uu saddexley caawin ah sameeyay kulankii ay Liverpool Leicester City habeenkii isniinta, waxaana uu hadda ka dhigantahay inuu ku lug lahaa 10+ gool iyo 10+ caawin afar xilli ciyaareed tan iyo markii uu u wareegay Merseyside.

Haddii uu hal gool ka dhaliyo labada kulan ee u hadhay kooxda Jurgen Klopp ee Aston Villa ama Southampton, waxa uu noqonayaa ciyaartoygii ugu horeeyay ee taariikhda Premier League dhaliya 20 gool iyo wax ka badan sidoo kale caawiye ka noqday 10 kulan wax ka badan 3 xilli ciyaareed oo xidhiidh ah.

Haatan waxa uu bar-baro la yahay Halyeeyga Arsenal ee Thierry Henry kaas oo sidaas sameeyay laba xilli ciyaareed.

30 jirkaan ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub xagaagii, waxaana qaar ka mid ah ay shaki ka qabeen in tani ay tahay tilaabada caqliga badan. Reds waxa ay Salah ku abaal marisay wax qabadkiisii ​​sannadihii la soo dhaafay mushaar rikoor ah oo uu ku sii joogayo Anfield ilaa 2025.

Salah ayaa dhaliyay kaliya seddex gool 10kii kulan ee furitaanka Premier League ee xilli ciyaareedkan waxana uu sameeyay caawin saddex kale waxana hoos u dhacay qaab ciyaareedkiisa.

[ad_2]

Source link

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here