Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxuddiin ayaa sheegay in dallacsiinta Sarkiisha Ciidanka Qaranka ay niyad dhis u tahay Ciidanka.
Taliyaha oo ka hadlayay munaasabad loogu mahad celinayay Madaxweyne Xasan Sheekh oo dallacsiiyay xubno Cuudamo oo ka tirsan guutada 14-ka Oktoobar ee Ciidanka xoogga dalka, kuwaas oo wacdaro ka dhigay dagaalka lagulala jira Alshabaab .
Munaasabaddan oo ay ka qayb galeen mas’uuliyiin ka tirsan golayaasha dowladda iyo saraakiil ciidan ayaa sheegay in dallacsiinta xunbahan uu ku mahadsan yahay Madaxweyne , Xasan Sheekh Maxamuud, isagoo xusay in sidan oo kale uu horay u dallacsiiyay madaxweynuhu qaar ka mid ah Ciidamada ku jira furimaha dagaalka ka dhanka ah Alshabaab