Eedeysane Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” , ayaa loo soo xiray kamid ahaanshiyaha Khawaarijta, gaar ahaan inuu Qaabilsanaa aruurinta lacagaha baada ah ee Alshabaab ay ka qaadaan Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool magaaladda Muqdisho.
Maxamuud oo ku dhashay degmadda Qoryooleey ee gobolka Shabeellaha hoose, ayaa Alshabaab ku biiray dhammaadka sanadkii 2020-ka, waxaana ku tashkiiliyey nin lagu magacaabo Axmed Maxamed oo Alshabaab ka tirsanaa, kaasi oo ay isku barteen magaaladda Hargeysa ee gobolka Waqooyi Galbeed Soomaaliya.
Eedeysane Maxamuud, ayaa Alshabaab u aruurin jiray lacagaha, isaggoo Alshabaab u gudbin jiray xogta dukaamada cusub ee laga furo degmooyinka kala ah Xamar weyne, Xamar Jajab, Waabari, Hodan, Howlwadaag iyo Boondheere, si loo handado goobahaasi ganacsi, loogana qaado lacago.
Sidoo kale waxa uu Alshabaab u gudbin jiray Qiyaaasta qiimaha hantida taalla goobta ganacsi ee xogteeda uu gudbinayo, Numberka iyo Dukaanka magaciisa, waxaana arrimahaan uu ka shaqeynayey muddo Seddex Sano iyo Lix bilood ah, isaggoo Mushaar ahaan seddexdii biloowdba mar ay Alshabaab siin jireen lacag dhan Labo boqol oo Dollar, Gacanta Hay’addaha amnigana waxa uu soo galay Sagaal iyo Laabaatankii Bisha Koowaad ee Sanadkaan 2024.
Baaris dheer kadib Xafiiska Xeer Ilaalinta Ciidamada Qalabka sida, ayaa codsaday qaadista kiiskaan, waxaana laga oggolaaday Kow iyo Labaatankii Bisha Shanaad ee Sanadkaan 2024.
Garsoorka Maxkamadda Ciidamada Qalabka sida oo waqti ku filan siiyey dhinacyadda dacwadda ayaa ugu dambeyn maanta ku xukuntay Maxamuud Maxamed Macalim Maxamuud “Karaama” 8 Sano oo xabsi ciidan ah.
Sida uu warbaahinta u sheegay Gaashaanle Maxamed Cabdi Muumin oo ka tirsan garsoorka Maxkamadda Darajada Koowaad Ee Ciidamadda Qalabka Sida.