Home WARARKA Nin xil ka haayay degmada Waaberi oo sababo la yaableh loo dilay...

Nin xil ka haayay degmada Waaberi oo sababo la yaableh loo dilay  

31
0

Askari katirsan ciidanka dowladda ayaa gurigiisa oo kuyaalla degmada Waabari ee gobolka Banaadir ku weeraray kuna dhaawacay guddoomiyihii ciyaaraha degmadaasi Mahad Maxamuud Axmed (Injey).

askariga ayaa la sheegay in xabbad uu  ku dhuftay guddoomiyaha xilli uu afur isku diyaarinayay xalay, waxaana dhaawac culus oo soo gaaray guddoomiyaha loola cararay isbitaal ,halkaas uu saakay ku geeriyooday.

Askariga dilka geestay ayaa la sheegay in uu ka carrooday in boos ku yaala garoonka xarunta degmada Waabari shalay galab laga kiciyay, waxaana la sheegay in guddoomiyaha iyo askariga oon labisneen ay garoonka ku murmeen taas ayaa loo sababeeyay geerida Marxuumka .

Sidoo kale Ehelada  Marxuumka la dilay ayaa  ka dalbaday  laamaha ammaanka dowladda in ay gacanta kusoo dhigaan gacan ku dhiiglaha si cadaalada loo horgeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here