Home WARARKA NISA oo baaritaan kuwada kooxo fududeeyay Weerarkii SYL Hotel

NISA oo baaritaan kuwada kooxo fududeeyay Weerarkii SYL Hotel

41
0

Hay’adaha amniga dowladda ayaa qaaday  Tallaabo looga Jawaabayo weerarki  ismiidaaminta Al Shabaab ay ku qaadeen hotelka SYL ee kuyaalla Nawaaxyiga madaxtooyada Soomaaliya.

laamaha amniga ayaa xabsiga dhigay saraakiil iyo askar katirsan ilaalada madaxtooyada, gaar ahaan kuwii ku sugnaa koontaroolka Sayidka oo la sheegay in ay kasoo gudbeen raggii fuliyay weerarkii hotelka SYL.

Labo gaari oo la sheegay in ay la socdeen raggii fuliyay weerarkii hotelka SYL ayaa ka gudbay koontaroolka laga ilaaliyo madaxtooyada, waxaana raggan la sheegay in ay adeegsanayeen aqoonsiyo Golaha shacabka oo been abuur ah.

Askarta loo xiray Weerarkii Hotel  SYL  ayaa waxa la sheegay  Al Shabaabkii Fuliyay Weerarkaas  ay  ka gudbiyeen koontaroolka Aad loo ilaaliyo ayaa ku socdo baaritaano , waxaana askartan lagu eedeeyay in ay gudan waayeen waajibkooda ayna u fududeeyeen Alshabaab weerarkaasi

Wararka ayaa sheegaya  Kaamirooyinka qarsoon ee yaalla xarunta taliska Nabad sugida laga dhax arkay sida Kooxda hubeysaneyd  ee katirsanaa Al Shabaab iyo gaadiidkii ay wateen uga gudbeen koontaroolka laga galo madaxtooyada Soomaaliya .

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Xasan Sheekh Maxamuud ayaa tagay xarunta NISA si uu indhihiisa ugu soo arko muuqaalada ay duubeen kaamirooyinka CCTV-ga ee waddooyinka ku xiran, isagoona amray baaritaano qoto dheer in lagu sameeyo kiiskan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here