[ad_1]
Muqdisho (soomaalinews.com) – Taliska Hay’adda Nabad Sudigida Sirdoonka Qaranka ee NISA oo howlgal culus qaaday ayaa gacanta ku dhigay agab iyo saanad ciidan oo loo qaday kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo laga soo dajiyat dekedda weyn ee Muqdisho iyo garoonka diyaaradaha ee Adan Cadde.
Warsaxaafadeed kasoo baxay NISA ayaa waxaa lagu sheegay in agab ciidamada iyo saanad kale ay ku qabatay gudaha dekadda, kuwaas oo ay sheegtay in lagu soo dhex qariyay badeeco ganacsi ahaan looga soo dajiyay dekadda weyn ee magaalada Muqdisho.
“Ciidanka Hay’adda Sirdoonka iyo Nabad Sugida Qaranka ayaa Dekada Muqdisho ku qabtay alaabo ay ciidamada Isticmaalaan oo ay ku jiraan Saanad ciidan kuwaas oo loo waday Khawaarijta Al-Shabaab” ayay tiri NISA.
Sirdoonka Soomaaliyaa ayaa intaasi ku dartay in uu si dhow ula socday saanaaddan ciidan, ilaa iyo waddankii laga soo qaaday iyo mudadii laga shaqaynayay in la keeno intaba
NISA ayaa sidoo kale sheegtay in ay la socotay dhaq dhaqaaqa iyo xiriirka shabakad balaaran oo kala joogtay dibada, Muqdisho iyo goballada, sida ay hadalka u dhigtay.
Waxa ay sidoo lale xustay inay ka wada shaqaynayeen, soo iibinta, soo rarista, soo dejinta dekada, si loo gaarsiiyo Al-Shabaab, ayada oo dhammaantood gacanta lagu dhigay.
“Dhammaan Shabakadii ka shaqaynaysay arrintaan oo ka kooban in ka badan 10 ayaa NISA ay ku guulaysatay inay gacanta kuwada dhigto iyadoo qofna uusan ka baxsan” ayaa mar kale lagu tiri warsaxaafadeedka NISA.
Dadkan ayaa waxaa ku jiro waxaa ku jiro ganacsato waa weyn oo ay dowladdu siisay ogolaasho ah inay wadanka keenaan waxyaabaha ay u baahanyihiin, si ay ugu ganacsadaan gudaha waddanka.
Hay’adda ayaa sidoo kale wareegtay afar baabuur oo loo diyaariyay in lagu qaado qalabkaan, si ay u geeyaan deegaanada Al-Shabaab ee ku yaalla gobollada dalka.
Dhanka kale, Hay’adda Nabad Sugidda ayaa sheegtay in agab kale oo ciidan ay ku qabatay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde oo laga sameeyay howlgal kale oo qorsheysan, kuwaas oo toos loogu keenay diyaarad.
“Dekada iyo Airport waa labo il oo dalka u muhiim ah, qabashada qalabkaan iyo alaabaha ayaa cadayn u ah shaqada adag ay haayaan Hay’adaha ammaanka wadanka iyo sida uu u xoogaysatay xogta sirdoonkeena” ayuu sii raaciyay qoraalka kasoo baxay taliska NISA.
Si kastaba, dowladda Soomaaliya ayaa horay digniin uga soo saartay la shaqeynta iyo la macaamiilka Al-Shabaab oo haatan wajaheysa dagaallo culus oo uga furan gobollada dalka.
[ad_2]
Source link