Odayaal & Waxgarad ka soo jeeda Degaanada Galmudug ayaa baaq nabadeed u diray Beelaha ku dagaalamaya galbeedka gobolka Mudug.
Nabadoonka guud beesha Warfaa Haysow Reer xaaji Saleebaan Farxaan Sheekh Maxamuud ayaa baaq nabadeed u diray beelaha walaalaha ah Sacad iyo leelkase ee ku dagaalamaya galbeedka Gobolka Mudug .
Nabadoonka ayaa nasiib darro ku tilmaamay in xilligan uu daato dhiig dad walaalo ah waxa uuna dhinacyada dirirta u dhaxeyso ugu baaqay in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaalka ku joojiyaan, islamarkaana wax walba ku xaliyaan wadahadal.
Nabadoon Farxaan Sheekh Maxamuud ayaa ugu baaqay Maamulada Putland iyo Galmudug, Nabadoonada, Waxgaradka iyo Culuma’udiinta Gobolka Mudug in si deg deg ah ay ugu baxaan joojinta colaada beelaha walaalaha ah.