Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdulaahi ayaa maanta ka hadlay war-murtiyeedkii shalay kasoo baxay shirka golaha wadatashiga ee lagu soo gebogabeeyey Mlmagaalada Muqdisho.
Madaxweyne Deni oo hadal ka jeediyey shirka jiheynta Puntland 2024-2029 ayaa sheegay wax kasta oo ka soo baxa shirka golaha wadatashiga in aysan quseyn Puntland.
“Golaha wadatashiga wax kasta oo ay soo-saaraan nama quseeyaan, midnimona ma jirto ee waxa socda waa kala go’ laga shaqaynayo” ayuu yiri madaxweyne Den.
Hadalka ka soo baxay Madaxweynaha Puntland ayaa ku soo aadaya Xilli Puntland Weli ay ku adkesaneyso diidmadeeda ku aadan ka qayb galka shirarka Golaha Wadatashiga Qaranka