Home WARARKA Puntland oo howlgal ku qabtay Xubno ku Eedeysan inay katirsan yihiin Kooxda...

Puntland oo howlgal ku qabtay Xubno ku Eedeysan inay katirsan yihiin Kooxda Daacish

54
0

Ciidanka Amniga Dowlad Goboleedka Puntland ee PSF ayaa magaalada Boosaaso  ee Xarunta Gobolka Bari saacadihii la soo dhaafayka fuliyay howlgal lagu xoojinayo amniga magaalada.

Howlgalka ayaa waxaa la sheegay in lagu soo qabtay xubno lagu tuhmayo inay ka tirsan yihiin Kooxda Daacish ee mararka qaar weerarada ka fulisa degaannada Puntland.

Saraakiisha Ciidamada Puntland ee howlgalka fuliyay ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa raad-raaca tuhmanayaasha lasoo qabtay oo la aaminsan yahay in Kooxda Daacish ay u qaabilsan yihiin hanjabaada ganacsatada deegaanka.

Ciidanka ayaa ku guulaystay inay soo qabtaan saddex qof oo looga shakisan yahay ku lug lahaanshiyaha falalka ay ku dhaqaaqdo Kooxda Daacish, waxaana ku socda baaritaan.

Sarakiishu ma sheegin Magacyada Ragga Eedeysanayaasha ah ee la soo qabtay, hayeeshee ay sheegeen in baaritaan lagu sameyn doono kadibna Maxkamad la geyn doono.

Degaannada iyo degmooyinka Gobolka Bari ee Puntland ayaa waxaa ay kamid yihiin goobaha ay ku xoogan yihiin Kooxda Daacish , waxaana mararka qaar duqeymo ka fuliya dowladda Mareykanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here