Home WARARKA Qaramada Midoobay oo soo faragelisay Dooda ka Taagan Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

Qaramada Midoobay oo soo faragelisay Dooda ka Taagan Dhameystirka Dastuurka Soomaaliya

74
0

Qaramada Midoobay ayaa soo  faro-gelisay doodda ka taagan wax ka bedddelka dastuurka  dalka oo ay isku hayaan dowladda federaalka, Siyaasiyiinta  mucaaradka iyo Puntland.

Wakiilka Qaramada Midoobay ee Soomaaliya Catriona Laing oo maanta la kulantay Wasiirka Cadaaladda iyo Arrimaha Dastuurka Xasan Macallin Maxamuud Sheekh Cali ayaa kala hadashay sida ay wax u socdaan, gaar ahaan arrimaha dastuurka iyo doodda ka taagan.

Labada  masuul ayaa sidoo kale iska xog wareystay horumarka illaa iyo hadda laga gaaray dib u eegista dastuurka KMG ka ah ee Soomaaliya.

Catriona Laing ayaa si gaar ah wasiirka ugala hadashay in laga fakiro qoondada haweenka ee dhanka siyaasadda, maadaama ay qayb weyn ku leeyihiin gabdhuhu horumarka dalka.

Kulankan ayaa kusoo  beegmeysa xilli labada Aqal baarlamaanka Soomaaliya uu haatan ku howlan yahay wax ka beddelka dastuurka oo muddo dheer soo socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here