Home WARARKA Qm cambaareysay Weeraradii Alshabaab ka geysteen Muqdisho

Qm cambaareysay Weeraradii Alshabaab ka geysteen Muqdisho

36
0
SRSG for Somalia Security Council meeting The situation in Somalia Report of the Secretary-General on Somalia (S/2020/121)

Qaramada Midoobay ee Soomaaliya ayaa si kulul u cambaareysay weerarkii argagixisanimo ee ka dhacay Xeebta Liido ee magaalada Muqdisho, kaasoo la sheegay in lagu dilay ugu yaraan 32 qof tiro intaa ka badanna ay ku dhaawacantay.
Qarammada Midoobay ee Soomaaliya waxay tacsi tiiraanyo leh u diraysaa qoysaska iyo ehellada dadkii ku dhintay qaraxaas, waxayna u rajeynaysaa kuwa ku dhaawacmay inay si dhaqso ah u bogsadaan.
“Xeebta Liido waa meel caan ah oo ay Soomaalidu waqti kula qaataan qoysaskooda iyo asxaabtooda, kuna raaxaystaan bilicda xeebaha Soomaaliya. In goobtan la bartilmaameedsado waa fal foolxun oo mudan qaadaya cambaareynta ugu adag,” ayuu yiri Ergayga Gaarka ah ee Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan.
“Annagoo ku biirayna dhammaan dadka Soomaaliyeed ee nabadda jecel ee u baroordiiqaya dhibaatadan murugada leh, waxaan mar kale xaqiijinayaa in Qaramada Midoobay ay taageerayso Dowladda Federaalka Soomaaliya ayna la garabtaagantahay dadaallada ay ugu jirto inay xaqiijiso nabadda, amniga, iyo xasilloonida dalka,” ayuu raaciyay.
Al-Shabaab ayaa sheegatay mas’uuliyadda weerarka oo loo adeegsaday qarax ismiidaamin ah iyo dagaal toos ah oo dhex maray kooxdii weerarka fylisay iyo ciidamada amniga Soomaaliyeed kuwqaas oo ku guuleystay in ay soo Afjaraan weerarka islamarkaana toogtay dhamaan kooxdaas ka faalantay xeebta Liido.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here